Home Afsomali Daawo Fariinta Xasan Sheikh ee ku wajahan Majeerteeniya puntland

Daawo Fariinta Xasan Sheikh ee ku wajahan Majeerteeniya puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku howlan tahay soo daabicista lacag Shilling Soomaali ah oo uu dalka uu yeesho, ayna hirgelinayaan kahor inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha ayaa ballan-qaadkan ka sameeyay kulan dadweyne oo dhawaan uga qeyb-galay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inta uusan bixin ay ka go’an tahay in dalka uu yeesho lacag cusub, taasi oo uu sheegay in qorshaheeda iyo hanaankii looga dhameyn lahaa uu marayo meel wanaagsan.

“Aniga markii aan horraantii 2017 dalka ka tagayay waxaan ka tagay ayada oo naqshadii lacagtii la isku raacay oo aan weynay dhaqaalihii aan kusoo daabacan laheyn, waxay u baahan tahay dhaqaale lagu soo daabaco lacagta, sidoo kale waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maanta waxay mareysaa meel sidii oo kale qaban-qaabsan oo sawirkii lacagta la hayo, dhismayaashii Bangiyada Dhexe ee dowlad-goboleedyada xataa qaarkood la dhisay, qarkoodna uu dhismahooda socda. Heshiiskeeda siyaasadeedna ee dhaqaalaha waa waxa laga hadlayo ee madalahan loo fadhiyo.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay dowladdiisu ku dadaaleyso inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa, sidii dalka u yeelan lahaa lacag Shilling Soomaali ah oo cusub, oo bedesha midda duugta ah ee laga isticmaalo dalka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa horraantii sanadkaan ku dhowaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.