Home Afsomali DAAWO:-Howlgallo xoogan oo ka socda Gobolka Mudug & Xubno katirsan AS oo...

DAAWO:-Howlgallo xoogan oo ka socda Gobolka Mudug & Xubno katirsan AS oo lagu qabtay

Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug oo kaashanaya dadka degaanka ee hubka qaatay ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wada degaano katirsan Gobolka Mudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in howlgallada siweyn ay uga socdaan gobolka Mudug, isla markaana Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay degaano dhowr ah la wareegeen.
Wasiirka oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in intii ay howgallada socdeen ay Ciidamadu gacanta ku dhigeen Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.