Waxaa magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya la keenay qaar kamid ah dadkii dhaawacyadooda cuslaa ee qaraxyadii ka kala dhacay degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxyada oo ahaa ismiidaamin ahaa waxaa ay geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka qaarkood xaaladood la geeyay magaalada Beledweyne halka kuwo kale la keenay Muqdisho.