Home Afsomali (Daawo Sawirada) Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Caruur Al Shabaab askareeyeen

(Daawo Sawirada) Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Caruur Al Shabaab askareeyeen

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya gacanta kusoo dhigeen caruur kooxda Al Shabaab  si qasab ah ku askareeyeen.

Guddoomiyaha Amniga ee Degmada Xudur Ibraahim Isaak Ibraahim (Shaati) ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ciidanka amaanka gacanta kusoo dhigeen 9-caruur ah uu sheegay in Al Shabaab askareeyeen kana soo wateen deegaano katirsan Bakool.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in caruurtan laga soo qabtay deegaanka Doodaali oo Al Shabaab ku lahaayeen xero tababar, waxa uuna xusay in caruurtan waalidiintii dhalay si qasab looga soo watay si loo askareeyo loona galiyo dagaalada Al Shabaab wadaan.

Saldhiga degmada Xudur ayaana la geeyay caruurtan Al Shabaab askareeyeen oo lagu sheegay 9-wiil iyo labo nin oo xiliga la qabanayay caruurtan ku waday Mootooyin nuuca sadex lugeeleyda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.