https://youtu.be/Q9ZvfBmIzsY?si=VXgboL9ROnQ1b6qH
https://youtu.be/7hP7Bkgv94Q?si=jEm4FlA_RblBs64i
Shirweynaha la-dagaalanka AS oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay.
Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen in ka badan 700 oo ergay kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda, ayaa waxaa laga soo saaray baaq xoojinaya dagaalka ka dhanka ah shabaab.
Ujeedka shirkan ayaa wuxuu ahaa in si weyn looga qayb-galo dagaalka ka dhanka ah AS iyo sidii dalka looga xorayn lahaa loona garab istaagi lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa waxa loogu baaqay bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka in ay si weyn uga qayb qaataan sidii dalka looga xorayn lahaa al shabaab.
Soo xiritaanka shirkan ayaa waxa ka qayb galay oo khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuummadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa yiri: “Waxa la dhibaateynaayo, oo la beegsanayo waa dadkii aad matasheen, baraarugaan iyo in loo midoobo dagaalka waan idinkaga mahadcelinayaa.”
Sidoo kale shirkan waxaa khudbad ka jeediyey wasiirka caafimaadka, isagoo tilmaamay muhiimada dagaalka socda, “dhabsab meel walba ayey ka soo qaxeen, waxaana ay isugu yimaadeen deegaanadeena, aan u midowno ciribtirka iyo soo afjarkooda.”