Home Afsomali dabku xaalufiyey dhul-kaymeedkii ku yaallay Koonfurta iyo K/bari ee dalkaasi. dalka Turkiga

dabku xaalufiyey dhul-kaymeedkii ku yaallay Koonfurta iyo K/bari ee dalkaasi. dalka Turkiga

Wasiirka beeraha Turkiga ayaa shaaciyey in 125 ka mid ah 132 goobood oo daba kacay kaymaha dalka la xakameeyey,isagoo xusay inay weli socdaan Dadaallada lagu doonayo in lagu damiyo dabka haray ayaa socda.
Shacabka Carbeed ee ku nool dalka Turkiga waxay la yimaadeen Hal-Abuur ay isku garab taagayaan Shacabka dalkaasi, kadib, markii uu dabku xaalufiyey dhul-kaymeedkii ku yaallay Koonfurta iyo K/bari ee dalkaasi.
 
Jaalliyadaha Carbeed waxay dhisteen Guddiga Sare ee Jaalliyadaha Carbeed, kuwaasi oo ururin doona Tabarucaada dib loogu beeri doono 100,000 oo geed.
 
Jaalliyadaha Carbeed ee Isku xilqaamay dib u dhiraynta Kaymihii ku gubtay Turkiga waxay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Sudan, Lubnaan, Algeria, Yemen, Masar, Falastiin, Syria, Morocco, Urdun, Tunisia iyo Libya.
 
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaalliyadda Lubnaan ee ku sugan Turkiga, Dr. Wasiim Karaaki oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegay in 12 Jamciyado rasmi ah oo wakiil la ah Jaalliyadaha Carbeed ee ku nool Turkiga ay ka qeyb galayaan Ololaha Ururinta Tabarucaada dib u dhiraynta Kaymihii gubtay.
 
Waxa uu intaasi ku daray in Fikradda Ololahaasi loogu dan leeyahay in dhul cagaaran oo doog ah laga dhigo dhulkii Kaymaha ee uu dabku baabi’iyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.