Home Afsomali Dabley Nabadoon Muqdosho si gaadmo ah ugu dishay nabadoon

Dabley Nabadoon Muqdosho si gaadmo ah ugu dishay nabadoon

Isbitaalka Erdogan ee (Ex Digfeer) ee Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday dhaawac ay Kooxo hubeysan u geysteen Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) oo kamid ahaa Nabaddoonada Soomaaliyeed.

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay inay Nabaddoonka dhowr Xabadood ku dhufteen xilli uu ku sugnaa Xaafada NBC ee degmada Hodan, iyaga oo intaasi kadib Goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya tegay goobta uu falku ka dhacay iyaga oo sameeyay howlgallo balse aysan jirin cid ay usoo qabteen weerarkaas.

lama oga ujeedka ka dambeeysa sababta loo dilay Nabaddoon Yuusuf Dhoore oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee muddada dheer ka shaqeynayay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha, balse warar soo baxay ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Ergada dhawaan soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilaa Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada soo dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.