Home Afsomali Dacwadii Dowlada FDS oo lagu joojiyey dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka...

Dacwadii Dowlada FDS oo lagu joojiyey dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka dhisayay Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa in mudo ah dacwad ka iyo ashtako ka waday arrinta dhismaha saldhiga Berbera, iyadoo dowladdu ku doodeysey in ay xadgudub tahay in dowladda UAEay Saldhig ciidan ka dhisto gudaha Soomaaliya, heshiisna ay la gasho maamul .

Ergada joogtada ah ee Soomaaliya u fadhisa Qaramada Midoobey ayaa dadaal dheer ku bixiyay dacwada ka dhanka ah Dowladda Imaaraadka ee dhismaha saldhiga Berbera waxayna gaarsiiyeen heer ah in dawacadooda ay ka sheegaan shirarka Guddiga Amniga ee Golaha Ammaanka, taasoo la rumeysan yahay cadaadiska joogtada ee saarnaa Imaaraadka keentay inay sababtay in la joojiyo Saldhiga Milateri ee Berbera.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa dadaaladan hoggaaminayay, isagoo dhowr shir doceedyo ay lahaayeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegay in Imaaraadka Carabta ku xadgudbeyso qaranimada Soomaaliya.

Horaantii bishan September ayaa si rasmi ah loo joojiyay dhismaha, wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in khubaradii ka shaqeyneysay dhismaha Saldhiga ay u dhoofeen Dubai 8-dii September 2019.

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka sheegay Berbera in la joojiyay dhismihii Saldhigga Milateri ee Garoonka Berbera, loona bedelayo Garoon rayid ah, dhowaan ay imaan doonto shirkaddii dhisi laheyd, isla markaana uu noqon doono garoon ka shaqo badan Dekeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.