Home Afsomali Dad badan oo cumro u tagay Sacuudiga oo geeriyooday iyo Baaritaano socda

Dad badan oo cumro u tagay Sacuudiga oo geeriyooday iyo Baaritaano socda

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil gaari bas ah oo ka dhacay dalka Sacuudiga, waxaana gaarigan shilka galay saarnaa dad badan oo u socday in ay soo cumreestaan.

Shilkan gaari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 20-qof, halka ay ku dhaawacmeen 29-qof oo kale, waxaana dadka ku dhintay shilka iyo kuwa ku dhaawacmeen u dhasheen dalal kala duwan.

Baska shilka galay oo siday dad u joogay cumro Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama, ayaa waxa uu ku dhacay buundada gobolka Aasir ee Koonfur-galbeed, waxaana dabka markii dambe baska qabsaday dab xooggan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in la baarayo shilkan gaari ee sababay khasaaraha kala duwan, waxaana dadka ku dhintay shilkan ku jira muwaadiniin Sacuudiyaan ah, halka kuwa kalana ay kasoo jeedaan waddamo kala duwan.

Bisha barakeesan ee Ramadaan ayaa waxaa kordha dadka cumrada u tagaya dhulka barakeesan, waxaana mashquul badan laga dareemayaa Boqortooyada Sacuudiga ay ku qul qulayaan muslimiin badan oo daafaha dunnida ka kala tagaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.