Home Afsomali Dad ka badan 200 oo si aan kala sooc laheyn loogu laayey...

Dad ka badan 200 oo si aan kala sooc laheyn loogu laayey Gobolka Zamfara

Dad ka badan 200 oo si aan kala sooc laheyn loogu laayey Gobolka Zamfara

Kooxo hubeysan ayaa waxey ku dileen dad gaaraya 200 qof Gobolka Zamfara ee ku yaalla waqooyi galbeed dalka Nigeria.

Waxaa la sameeyey aas wadareed, iyadoo la duugey dad gaaraya ugu yaraan illaa iyo laba boqol inta la og yahay.

Qaar ka mid ah dad ka badbaadey weerarkii lagu laayey dadka faraha badan, ayaa sheegay in rag hubeysan oo watey mootooyin ay xabado ku fureen dadka, markii ay dhex marayeen tuulada ay dhibaatadu ka dhacdey.

Weerarkani ayaa yimid kadib markii ay dowladda Nigeria hawada ka duqeysay qaar kamid ah dagaalyahano katirsan kooxdani toddobaadkii hore

Kooxdani oo ah burcad abaabulan oo la baxday Bandits ayaa weeraro ku qaadeysay gobolka Zamfara iyo gobolada kale ee ku xeeran sanado badan.

Waxey leeyihiin nidaam u gooni ah, oo ay kujiraan kooxo dambiilayaal ah, kuwaasoo inta badan dhaca xoolaha dadka, waxey dalbadaan madax furasho, iyagoo dila dhibanayaasha ay afduubtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.