Home Afsomali Dad ku geeriyooday Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho

Dad ku geeriyooday Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho

Magaalada muqdisho waxaa ka da’ay roob xoogan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burur hantiyadeed,kaas oo watay Gugac xoogan iyo dabeyel xoogan oo siweyn looga dareemay Magaalada Muqdisho.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobka uu sababay in uu soo dumo mid kamid ah guryaha khadiimiga ah oo ku yaalla Ceel-Qalow oo ka tirsan Xaafada Buula Xuubeey ee degmada Wadajir,waxaana halkaasi ku geeriyooday Afar Carruur ah iyo Ayeeyadood.

Dadka deriska la’ay qoyska uu gurigaasi kusoo dumay ayaa aad uga naxay,waxaana qaarkood ay Warbaahinta u sheegeen in Xaafada Ceelqalaw uu inta badan Roobka aad u saameeyo,isla markaana Guryahooda ay Biyaha soo galaan.

Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan n Gurmad loo sameeyey Qoyska uu Guriga kusoo dumay ay sababtay in dhowr qof oo kale la soo badbaadiyo Gurigana laga bixiyo si aysan waxyeelo u gaarin.

Wadada laamiga ah ee marta Ceelqalaw ayaa marka la gaaro xilli Roobaadka waxaa fariista Biyo farabadan,waxaana taasi ay sababtaa in gaadiidka ay ka wareegsadaan,isla markaana ay maraan wadooyinka qardajeexa ah.

Maamulka Gobolka Banaadir weli kama hadlin dhacdadaan ay dadka ku geeriyoodeen,waxaana xusid mudan in roobkii xalay ka da’ay Muqdisho uu xiray wadooyin dhowr ah oo ku yaalla Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.