Home Afsomali Dad loo qabqabtay in ay ka danbeeyeen dilkii Wariye online

Dad loo qabqabtay in ay ka danbeeyeen dilkii Wariye online

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ee Soomaaliya ayaa shaaciyey qabashada dad badan oo lagu qabtay hawlgal ka dhacay magaalada Afgooye dilkii xalay loo gaystay wariye Cabdiwali Cali Online.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilkii loo gaystey wariyaha iyo qabashada dembiile-yaasha.

Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Ibraahim Qaasim wuxuu sheegay in ciidamada amnigu ay dad badan ku soo qabqabteen hawlgal isla markiiba dilka ka dib. Wuxuu sheegay in tuhmanayaashan laga qabtay aag u dhow goobta uu dambigu ka dhacay iyo agagaarka guriga saxafiga.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda wariyaha. Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu halista badan adduunka saxafiyiintu inay shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.