Home Afsomali Dad shacab ah oo aano qabiil loogu laayey Gobolka Galgaduud.

Dad shacab ah oo aano qabiil loogu laayey Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay rasaaseeyeen Gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo ka baxay degmada Balanballe, kuna wajahnaa degaanka Balli-dhiig oo dhanka Waqooyi Galbeed 120km ka xiga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Weerarkaas ayaa waxaa la sheegay   inay ku dhinteen laba Ruux, halka ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah maleeshiyaadkii Gaariga rasaaseeyay kadib markii wadaha Gaariga uu ku furay rasaas uu iskaga caabinayay.

Meydadka dadka ku dhintay weerarkaas ayaa waxaa la geeyay degmada Balanballe, waxaana la sheegay in arrintaan ay salka ku heeyso falal aanooyin qabiil ah oo kajira degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin weerarkan, hayeeshee degaannada Gobolada Mudug & Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa aad ugu soo batay dilalka la xiriira aanooynka qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.