Home Afsomali Dadka dagan Dagmada dayniile oo loo qeybiyey Hilbo ( DAAWO SAWIRADA)

Dadka dagan Dagmada dayniile oo loo qeybiyey Hilbo ( DAAWO SAWIRADA)

hilib-la-qeybiyey-4

Hay’adda MMD oo Boqolaal Qoys Danyar ah Hilib Udxiyadda U Qaybisay. ( DAAWO SAWIRADA )

Hay’adda Maxaliga ah ee Maternal Mercy & Development (MMD), ayaa deeq hilb ah u qaybisay boqollaal qoys oo dan-yar ah, oo ka mid ah kuwa Barakacayaasha ku dhaqan Degmadda Dayniile KM13 ee Gobolka Banaadir.

 

Deeqdaan Hilibka ah ee ay Qaybisay Hay’adda MMD, waxaa ka faa’iideystay qoysas aad u fara badan, kuwaasoo isugu jira dumar & Caruur.

 

Sidoo kale, Dadweynihii ka Faa’iideystan hilibkan Udxiyadda ayaa uga Mahad-celiyay Ururka MMD, iyagoo xusay inay kusoo beegantay, Xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen, isla markaana ay Munaasabadda Ciidul-Adxa u Dabaal-dagayeen.

MMD ayaa waxaa gacan ka siiyay Barnaamijkan Hilib Qaybinta ah QATAR CHARITY, oo inta badan ka gacan siisa barnaamijyadda sidan oo kale ah.

Sidoo kale Dadkii ka faa’iideystay Deeqdaan Hilibka ah, ayaa MMD, ku amaanay sida ay mar walba u garab-taagan tahay dadka barakacayaasha siiba caruurta & Haweenka.

Ugu danbeyntii Madaxa Barnaamijyadda MMD Asad Abukar Ali, ayaa Hay’adda Qatar Charity ugu mahadceliyay sida ay ugu fududeyso howlaha Gargaarka dadka masaakiinta ah ugu kaalmeeyso.

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.