Home Afsomali Dadka deeganka garasbaaley oo sheegay in aad ugu qanacsan yihiin in ay...

Dadka deeganka garasbaaley oo sheegay in aad ugu qanacsan yihiin in ay ka sii mid ahaadaan degmada dayniile

Deegaanka Garasbaaley ee katirsan Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa yeelatay Gudoomiye Waaxeed cusub oo hogaamin doona, waxaana waxgaradka Deegaankaasi kulan gaar ah la qaateen Gudoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile.

Cabdiweli Nuur Faarax (Fagalax) Gudoomiyaha Dayniile ayaa kulan gaar ah la qaatay Waxgaradka Waaxda Garasbaaley ee degmada Dayniile, waxa ayna sheegeen waxgaradka in ay ku faraxsan yihiin in ay katirsan yihiin degmada Dayniile ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Maamulka Degmada.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile ayaa sheegay in mudooyikii ugu dambeeyay Deegaanka Garasbaaley uusan ka jirin maamul, waxa uuna cadeeyay in Garasbaaley ay tahay waax katirsan Degmada Dayniile ayna yeelatay Gudoomiye waxaadeed.

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin katirsan dowlada ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay u ololeenayay in Deegaanka Garasbaaley oo katirsan degmada Dayniile loo aqoonsado degmo Madax banaan, hasa ahaatee waxgaradka Degmadaasi ayaa u muuqda kuwa ku faraxsan in ay Dayniile katirsan yihiin.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here