Home Afsomali Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad.

Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu imaanaya Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.