Wararka aan ka heleyno degmada Maxaas gobolka hiiraan ayaa sheegay in laba qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen gudaha magaaladaas.
Qaraxa Koowaad oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Bartamaha degmada Maxaas, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday Askar katirsan Ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah.
Qaraxa labaad ayaa goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidamada dowladda ay fashiliyeen, ,isla markaana cid aysan waxba ku noqon, waxaana Ciidamada qaraxyada lala beegsaday ay ahaayeen Ciidamadii dhawaan qabsaday degaanka Wabxo balse dib uga soo baxay.
laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Maxaas ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxyada, hayeeshee la sheegay in uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Ganacsiga Magaalada.