Home Afsomali Dagaal anteeno gubid ah oo ka dhacay Gobolka Gedo

Dagaal anteeno gubid ah oo ka dhacay Gobolka Gedo

Ciidamada kenyaa gaar ahaan kuwa burburiya Xarumaha Isgaarsiinta Somalida  oo doonayey in ay aamusiyaan isla markaana ay gubaan tiro xarumo isgaarsiineyd oo ay leeyihiin shirkado soomaaliyeed ee ka howlgala deegaano u dhow dagmada ceelwaaq ee Gobolka gado ayaa ka soo dusay xad beenaadka kenya iyo Somalia

ciidamada kenyatigaa ayaa watay kolkii horey ilaa 3 gaari oo midkood xabadu karin ayaa ka soo gudbay dhanka deegaanka yado iyaga oo doonaayey burburinta isgaarsiinta Shacabka Somaliyeed iskula xariiraan hase yeeshee intii aanay gaarin Deegaanka kale ciisay guur ayey isku dhaceen  dagaalamaaysah Alshabaad oo halkaa saldhig ku lahaa si aan ku tala gal aheyn

Waxaana meesha ka baxday in ay damiyaan xarumihii  isgaarsiineed  oo ay doonayeen in ay burburiyaan

halkaana waxaa ka dhacay dagaal xili habeen ah dhacay

ciidamada kenya ee u xilsaaran burburinta Anteeneeyo ayaa dalbaday diyaarado dagaal sida ay sheegayaan dadka deegaanka  oo iyagu laftooda ku waayey geel iyo ari

Goobjooye u waramay somalisan ayaa u sheegay dadka deegaanku xalay u aheyd habeen cabsi oo diyaaradu korkooda gantaalo aan bartilmaameyd laheyn ka rideysay

aroortii hore ee saaka ayey ciidamadii kenya dib u gurteen waxayna horey u sii jiiteen gaari cabdi bille ah oo waxyeelo soo gaartay

guud ahaa halkaas ayaan lirin cid ku dhimatay  waxaana jira geel iyo ari ay madaafiicdu haleeshay

ciidamadakenya aaa caadeystay gubida  iyo burburunta xarumaha ksgaarsiinta dalka

Dowlada Somaliya ayaa ku  celcelisay digniimo ay u adirtay Maamulka Nairobi waxayna kenya fara galin qaawan ku heysaa dalka Somalia.

arintaan ayaa u muuqatay in kenya ay dhagaha ka fureysatay baaqii dowlada Somalia ee ahaa in ay faraha kala baxdo arimaha somalida u gaarka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.