Home Afsomali Dagaal culus oo ka qarxay dalka Suudaan iyo kala carar magaalada ka...

Dagaal culus oo ka qarxay dalka Suudaan iyo kala carar magaalada ka bilowday

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan ayaa sheegaya in halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo ciidamo kale oo awood badan oo loo yaqaan gurmadka deg dega.

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada Khartuum, dadka degan caasimadda ayaana saakay kusoo toosay xaalad ka duwan tii hore, waxaana magaalada kusii faafaya dagaalka sida dadka deegaanka sheegeen.

Dadka qaar ayaa bilaabay in ay guryahooda ka cararaan , waxaana magaalada laga dareemayaa xaalada cabsi iyo sidoo kale barakac, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeesto.

Dagaalkan saakay ka qarxay magaalada Khartuum ayaan la ogeyn ilaa hadda waxa sababay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemayay saan saan colaadeed kaddib markii magalaada soo galeen ciidamo badan oo tababaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.