Home Afsomali Dagaal culus oo ka socda Degaanka Sabiib ee duleedka degmada Afgooye ee...

Dagaal culus oo ka socda Degaanka Sabiib ee duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Sabiib ee duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Sabiib, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ku dhintay hal Askari oo katirsan Ciidanka dowladda halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ku sugnaa Saldhiga la weeraray sida ay sheegeen dadka degaanka.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, waxaana Saldhiga Ciidamada ee degaanka Sabiib dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.