Home Afsomali Dagaal dhexmaray Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS & Al-Shabaab

Dagaal dhexmaray Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS & Al-Shabaab

 

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhigooda, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Previous articleMareykanka oo ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah
Next articleMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo safar deg deg ah ku tegay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.