Dhowr Qof Oo Ku Dhaawacantay Iska Horimaad Ka Dhacay Suuqa Kaaraan
Wararka naga soo gaarayo Suuqa Weyn ee Degmadda Kaaraan ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddanka Boliska saakayto qaadeen Hawlgal ay ku qaadayeen Isbaaro ay Kooxo hubeysan dhigteen Boosteejadda laga raaco Basaska ee u dhow Suuqa Kaaraan.
Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay Boliska ku guuleysteen inay Maleeshiyadda ka cayriyaan Barta Isbaaradda, kadib, markii ay labada dhinac is-rasaaseeyeen.
Mid ka mid ah Maleeshiyadda iyo qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkaasi, waxaana haatan deggan Xaalladda Suuqa Kaaraan.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0