Home Afsomali Dagaal ka dhacay Baarsanguuni oo guulo ay kala sheegteen dhinacyadii ku dagaalaay...

Dagaal ka dhacay Baarsanguuni oo guulo ay kala sheegteen dhinacyadii ku dagaalaay iyo Sawiro la yaab leh oo laga soo qaaday

Iyadoo saakay aroortii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeyn fariisimo ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ay ku leeyihiin Deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa ka hadlay weerarkaasi gaadmada ahaa Maamulka Jubbaland.

Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

 “Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland.

Shabaab ayaa iyana dhankooda sheegtay in weeerarkii saakay ay ku qaadeyn fariismada Baarsanguuni ay khasaare xoogan u geysteen ciidamadii fariiimahaasi ku sugnaa, ayna la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, sida ay sheegteyn.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac ee Shabaab iyo Jubbaland ma jirto ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.