Home Afsomali Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda ee fariisinka kuleh Buundada degaanka Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo katirsan Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sidoo kale uu saameyn ku yeeshay dadka degan agagaarka xerada Ciidamada dowladda ee degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Sabiid ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu yahay degaanka mid caadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.