Caasimadda Libya ayaa waxaa ruxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba koox oo hubeysan oo ku xiran dowladda fadhiggeedu yahay Tripoli, kaasi oo hakiyey duulimaadyadii garoonka kaliya ee diyaaradaha rayidka ee magaalada.
Dagaalka oo u dhaxeeya Guutada 444 iyo Xoogagga Al-Radac ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna sii socday illaa subaxii Talaadada, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.
“Isku dhacyada ayaa saameeyey deegaano dhowr ah oo ka mid ah duleedka bari ee Tripoli, gaar ahaa Cayn Zara ee koonfurta Tripoli, halkaasi oo ay isku dab saareen Guutada 444 iyo Al-Radac,” waxaa sidaas AFP u sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mas’uuliyiinta ay sheegeen inuu sababay “xiritaanka waddooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha ee Mitiga.”
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayey gawaarida gaashaamaan oo ku sugan bariga Tripoli, kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444 Mahmud Hamza lagu xiray garoonka diyaaradaha Mitiga, halkaasi oo ay maamulaan Xoogagga Al-Radac.
“Xiisaddu waxay durba kacday” waxyar kadib markii lagu dhawaaqay in “Al-Radac ay xireen madaxii Guutada 444 ayaga oo aan sheegin inuu ahaa amar garsoor ama sababo kale,” ayuu yiri sarkaalka.
Qiiq ayaa laga arkayey hawada Tripoli, sidoo kale rasaas xooggan ayaa ka dhaceysay xaafadaha qaar.
Duulimaayadii garoonka Mitiga ayaa la hakiyey, waxaana loo wareejiyey garoonka Misrata oo 180 km bari ka xigan Tripoli. Sidoo kale, diyaaradihii fadhiyey garoonka ayaa laga dhaqaajiyey.