Home Afsomali Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dagaalka oo u dhaxeeya Koox maleeshiyaad ah iyo Ciidamo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeeenka Amniga degmada Matabaan oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka socda degaanka Qorbosh oo hoostaga dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada uu wato Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Matabaan Ducaale aadan Cabdi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada la weeraray ayaa ahaa kuwa dhawaan weerarka ku qaaday deegaanka Bacda oo Al-Shabaab saldhig Cusub ka sameeysteen, waxaana dagaalka Maanta ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.