Home Afsomali Dagaal ka socda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool

Dagaal ka socda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool

Dagaal xoogan ayaa ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waxaana hubka culus ay dhinacyadu isku ridayaan laga maqlayaa aaga taliska Goojacade ee duleedka Magaalada.

Waaberigii hore ee saaka ayaa dagaal kooban uu ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood, balse barqabimadaan uu dib u billaawday dagaalka, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in dagaalka uu yahay mid xoogan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mararka qaarbay hoobiyeyaal kusoo dhacayaan gudaha Magaalada Laas-Caanood oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood ayaa kusoo aadaya xilli Maanta la filayo inay halkaasi tagaan Odayaal dhaqan oo ka tegay Magaalada Muqdisho oo shalay gaaray Garoowe si ay waan-waan uga  dhex bilaabaan SSC iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.