Home Afsomali Dagaal markale ka bilowday guriceel galguduud waana isla kuwii hore u dagaalay

Dagaal markale ka bilowday guriceel galguduud waana isla kuwii hore u dagaalay

waxaa hada guriceel dib uga bilowday Dagaal aad u culus ayaa maalintii afaraad galabta ka qarxay Xarunta Jaamacada oo dhanka bari kaga taal Guriceel,

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidanka dowlada oo doonayaa in kooxda laga saari aagaga ay ku jiraan si shacabku guriceel dib ugu Soo laabtaan

Dhawaqa rasaasculus iyo kuwa fudud ayaa si weeyn looga maqlayaa magaalada Waxaana hada dagaalku ka socdaa jaamacadaha oo kooxdu ku harsan yihiin

Ciidamada Dowladaha ayaa wararku sheegayaan in ay xiray dhamaanba wadooyinka soo gala guriceel, gaar ahaan marinada gaadiidka ka yimaada dhanka waqooyi ee Magaalada kuwaa oo la tuhmayay in ay yihiin kuwa gurmadka ay kaga imaanayeen maleeshiyaadka kooxda Ahlusunnada sheegatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.