Home Afsomali Dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay

Dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay

Dagaal ayaa saaka markale ka dhacay Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Somalilamd iyo Ciidamada degaanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliland loogana hadlay dagaalka ayaa waxaa lagu sheegay in saaka ay Ciidamadooda soo weerareen Kooxo Argagaxiso ah oo ay taageerayaan Ciidamada Puntland.

” Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Wasaaradda.

Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka , waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo ayay sidoo kale tiri Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale u sheegtay Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

” Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay. Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fariisimada Ciidamada Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.