Home Afsomali Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale.

Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale.

Is rasaaseyn khasaaro kala duwan geystay ayaa ku dhexmartay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaalada Xidlhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Golaha Shacabka iyo Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Is rasaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada NISA  ee ku sugan Koontoroolka Madiino Gate ay isku dayeen inay celiyaan Gaariga uu watay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo kayimid dhinaca Danwadaagaha kuna wajahnaa Garoonka, balse ay ka biyo diideen ilaalada Xildhibaanka, waxaana is rasaaseynta ku dhintay Askari kamid ah Ciidada NISA.

Sida ay SOMALASAN u sheegeen saraakiil katirsan laamaha Amniga israsaaseynta ayaa waxaa kusoo baxay Saraakiil iyo Ciidamo kale, iyaga oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay kadibna xaliyay.

Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in Askariga is rasaaseynta ku dhintay oo Magaciisa lagu soo koobay Carabeey uu muddo badan ka Shaqeeynayay Koontoroolka Madiino Gate, iyada oo Gaariga uu la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu socdaalkiisii iska sii watay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.