Home Afsomali Dagaal ooge Maxkamadi danbi ku heshay oo lagu xakumay halmilyan oo doolar...

Dagaal ooge Maxkamadi danbi ku heshay oo lagu xakumay halmilyan oo doolar sababa sii aqri

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa markii ugu horreysey amartay in magdhow lacag ah la siiyo dadka wax ku noqday dembiyada dagaallada ee ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Xukunkan ayaa saameynaya dad ka badan 300 oo ay waxyeelo ka soo gaartay weerar lagu qaaday tuulada Bogoro sanaddii 2003-da.

Dagaal ooge Germain Katanga oo ay maxkamada denbiyada caalamiga ahi ku xukuntay 12 sanadood kadib markii lagu helay dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo dembiyo dagaal intii uu socdey dagaalkaasi ayaa la filayaa in uu bixiyo hal millyan oo doolar.

Qareenkiisa ayaa haseyeeshee sheegay in Katanga uusan awoodin inuu bixiyo lacagtaasi.

Maxkamada ayaa go’aamisay in qofkiiba la siiyo 250 doolar halka lacagaha soo harayna loogu sameyn doono masharaaiic dhibanayaasha weerarradii uu ninkani geystay.

Katanga oo hadda ku jira xabsi ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa xukunkan waxa uu kala socday muuqaal laga baahinyay maxkamadda.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.