Home Afsomali Dagaal qasaare nafeyd geystay oo mar kale ka dhacay Gobolka Mudug

Dagaal qasaare nafeyd geystay oo mar kale ka dhacay Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay weerar hubeesan lagu qaaday ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland xili ay marayeen gudaha Boosaaso.

Dabley hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen gaari ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland xili ay marayeen Isgooska Nedko ee magaalada Boosaaso.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa weerarka ku dhintay halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana baxsaday dableydii weerarka ku qaaday ciidanka.

Ciidanka maamulka Puntland oo gaaray goobta weerarku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan dadkii weerarka ka dambeeyay, mana jirto wali cid sheegatay masuuliyada weerarkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.