Home Afsomali Dagaal saaka ka Qaraxay Deegaanka Basra ee Gobolka Gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal saaka ka Qaraxay Deegaanka Basra ee Gobolka Gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka & Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye oo Gobolka Shabeelaha Hoose
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Duufaan ee ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida weerareen maxkamad Al-shabaab ku lahaayeen deegaan u dhaxeeyaa Beerta Cali Mahdi iyo deegaanka Basra.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan & Galgaduud oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in weli ay maqlayaan rasaasta ay isweedaarsanayaan labada dhinac, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.