Home Afsomali Dagaal saaka mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood

Dagaal saaka mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo isku dhafan oo meelo kala duwan ka yimid ay soo weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay iskugu jiraan argagixiso, ciidamo ka yimid Puntland, iyo ciidamo la baxay Khaatumo.

“Kooxahan argagixisada ah ee saaka soo wareeraray fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay maamulka Puntland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo”.

Xukuumada ayaa sidookale, maamul goboleedka Puntland ku eedaysay in uu Garoowe ka abaabulayo ciidamo soo weerara ciidamada millateriga ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sool.

Ugu danbayn war-saxaafadeedka ayaa beesha caalamka loogu sheegay in Somaliland ay gobolka Sool kula dagaalamayso kooxo argagixiso ah iyo maamulka Puntland oo is garabasanaya.

Dagaalka oo shalay subixii qarxay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay ku nafwaayeen saraakiil kala hogaaminayay ciidamada Somaliland iyo ciidamada taabacsan garaadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.