Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Saakay jilibka u laabay maleeshiyad ka tirsan kooxda argagixisada ah oo saaka isku dayay inay weerar abaabulan ku soo qaadaan Deegaanka Shabeeloow ee Gobalka Mudug.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyada xaq-udirka deegaanka ayaa ka hortegay qorshihii maleeshiyaadka naf la caariga ah, waxaana dagaalka looga dilay in ka badan 21 maleeshiyaad ah, waxaana laga gubay 4 gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaari Biijii ah.
Xogta dadka deegaanka ay la wadaageen Ciidamada geesiyaasha XDS iyo kuwa Deegaanka ayay ku suura-gashay in wadada loo galo maleeshiyaadkaan gaadiidkana laga gubo, waxaana jab xoogan mar kale lagu gaarsiiyay Gobalka Mudug kooxda dhiig miiratada ah.
Dadka Deegaanka garab istaaga iyo sida ay ula shaqeenayaan Ciidamada Xds ayaa mar walba guusha siinaysa geesiyaasheena xilli kasta u taagan Difaaca Dalka.