Home Afsomali Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamo huwan ah iyo kooxda Al Shabaab...

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamo huwan ah iyo kooxda Al Shabaab oo hadda socda

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Al Shabaab ayaa ka socda deeganka jeexjeex iyo Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka Caad iyo Camaara ee Koofurta gobolka Mudug.

Weerarka dagaalka ku bilowday waxaa qaaday ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is kaashanaya, kaddib markii ay heleen xogta dagaaltahanno katirsan Al Shabaab o isku aruursanayay deegaanadaas.

Saraakiisha Ciidanka xoogga hoggaamineysa  ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey Al Shabaa, waxa ayna xuseen in wali sii baacsanayaan firxadka kooxd Al Shabaab.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta Al Shabaab ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey kooxda Al Shabaab oo horey u heesatay deegaanno badan oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.