Waxaa xalay israsaaseyn ay ku dhexmartay Magaalada Muqdisho Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Israsaaseynta ayaa u dhexeysay Ciidamo taabacsan Howlgalka Xasilinta ee Magaalada Muqdisho iyo Ciidamo kale oo boolis ah ee ku sugnaa Beerta Jaadka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Howlgalka Xasilinta ay gacanta ku soo dhigeen Gaashaanle Sare Mahad Axmed Cilmi ( Mahad Dollar) kaas oo aan la ogeyn illaa iyo iminka halka ay la aadeen.
Ma cadda sababta loo qabtay Gaashaanle Sare Mahad Dollar oo si weyn looga yaqaanno degmada Hodan gaar ahaan inta u dhexeysa Soobe illaa Saybiyaano.
dhanka kale
Iska hor imaad Kooban ayaa Maanta Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo ka wadatirsan kuwa Dowladadda Soomaaliya.
Isku dhaca labadan Ciidan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho ay isku dayeen iney hub ka dhigis ku sameeyaan Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Xaafada Xaawo Taako,Ciidamada ayaa ka biyo diiday iney hubka dhigaan waxaana halkaa ka dhacay israsaasayn kooban oo aan wax khasaare ah geysan.
Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay kawaday Magaalada Muqdisho hawlgallo ay hubka kaga aruurinayaan Ciidamada aan qaybta ka ahayn Sugida Amniga Magaalada Muqdisho,Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Weyn ee Madiino ayaa hakad galay muddo Saacado ah.
Xaaladda Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Muqdisho ayaa hada ah mid dagan,Israsaasaynta dhexmartay Ciidanka kawada tirsan kuwa Dowladda ayaa qalqal iyo Cabsi ku abuurtay Shacabka kunool Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo fulinaya amarkii kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hub aruurin kawada Magaalda Muqdisho.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view