uddoomiye ku xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi ayaa ku dhawaqay in uu is caisilay .
Saleebaan Diiriye Cabdi oo warbaahintaa la hadlay ku eedeeyay Somaliland in xasuuq ay gesatay ka dib markii madaafiicdii lagu garaacay magaalada laascaanood.
Sidoo kale ‘ Waxaa uu waxba kama jiraan Tilmaamay in warar Somaliland ay faafisay ee la xiriira in argagixiso laga saarayo Laascaanood waxaana uu sheegay in shacabkii degaanka la xasuuqayo.
“Waxa aan caddaynayaa in dadkii la xasuuqayo oo ruux nool, neef xoola ah iyo guryaha isku si’ loo beegsanayo, ma jirto argagixiso waxa dagaallamaya ciidanka Soomaliland iyo dadkii deegaanka, anna dagaalka ayaan ku biirayaa, xalka waa in uu Muuse la baxo ciidankiisa” ayuu yiri Saleebaan Diiriye Cabdi.
Mas’uulkan Iscasilay ayaa dhawaan waxaa Soomaliland ay u magacawday gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool.