Home Afsomali Dal ka carooday in Magaciisa lagu daray Liiska Dalal ay Soomaaliya iyo...

Dal ka carooday in Magaciisa lagu daray Liiska Dalal ay Soomaaliya iyo Itoobiya kamid yihiin

Dal ka carooday in Magaciisa lagu daray Liiska Dalal ay Soomaaliya iyo Itoobiya kamid yihiin

Dowlada Colombia ayaa si weyn uga carootay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in dalkaasi uu kamid yahay 20-waddan oo oo xilligan baahi weyn ka jirto una baahan gargaar .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa si weyn uga carootay in dalkeeda lagu daray liiska waddamo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Yemen, waxa ayna wasaaradda ka dalbatay  xafiiska hay’adda FAO ee  Rome in liiskaasi deg deg looga saaro.

Dowladda Colombia ayaana meesha ka saartay warbixintan kasoo yeertay Qaramada Midoobay xilli qeybo badan oo kamid ah dalka Colombia ay ka jirto xaalad abaar ah iyo raashin yari dadka lasoo daristay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa si wadajir ah  u shaaciyay in Colombia kamid tahay 20-dal oo xaalad cunto yari ah ka jirto ayna gargaar u baahan yihiin dad gaaraya 7.3 milyan oo reer Colombia ah .

Dalalka kale ee Qaramada Midoobay shaacisay in xaalad cunto yari iyo abaaro baahsan ka jiraan waxaa kamid ah Soomaaliya, , Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar, Yemen iyo waddamo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.