Home Afsomali Dal kale oo Africaan ah oo uu gaaray Cudurka Coronavirus

Dal kale oo Africaan ah oo uu gaaray Cudurka Coronavirus

Dalka ku yaalla woqooyiga Afrika ee Nigeria ayaa lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay cudurka Coronavirus

Bukaankan ayaa ka soo jeeda dalka Talyaaniga, wuxuu ka shaqeynayay dalka Nigeria, isagoo Talyaaniga kasoo laabtay 25-tii bishan.

Mas’uuliyiinta waxay sheegayaan in qofka uu ku dhacay cudurka Corona hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Lagos isla markaana xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in diyaargarow buuxo ay sameysay si looga hortago cudurka, waxaana kamid ah xarunta xaaladaha degdeg ah.

Waxay mas’uuliyiinta bilaabeen inay baaraan rakaabka ka imaanayo dalalka uu saameeyay Corona.

In ka badan 80,000 qof ayaa u geeriyootay cudurka Coronavirus, waxaa uu ku faafay ilaa 40 dal, waxaana Nigeria ay noqoneysaa dalkii labaad qaarada afrika ee laga helo cudurkan, waxaana qof qaba cudurkan loogu arkay dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.