Home Afsomali Dal Qofkii Maqaayad ka dalbada cunto ka badan inta calooshiisu qaadi karto...

Dal Qofkii Maqaayad ka dalbada cunto ka badan inta calooshiisu qaadi karto sharciga lala tiigsanayo .

Shiinaha ayaa sharciga la tiigsanaya qofka dalbada cunto ka badan inta calooshiisu qaadi karto.

Shiinaha ayaa meelmariyey sharci dhigaya in aan qofna maqaayadaha ka dalban karin cunto ka badan qaadkiisa, si looga hortago qashinka cuntada.

Sharcigan oo dhaqan galay usbuucii lasoo dhaafay, waxa uu qayb ka ahaa ololaha cidhibtirka qashinka, oo madaxweynaha dalkaasi Xi Jinping uu sheegay in uu dhibaato badan ku hayo dalkiisa.

Durbadiiba meheradaha qaar ayaa bilaabay hirgelinta sharcigan, iyagoo qofka miisaan saaraya kahor inta aanu dalban cunto, si loo hubiyo inta uu cuni karo ee qaadkiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.