Home Afsomali dalka filibiin oo lagu qabtay Nin Qatar ahaa oo ku rarnaa bambooyin...

dalka filibiin oo lagu qabtay Nin Qatar ahaa oo ku rarnaa bambooyin uu isagu farsameystay

Bilayska Filibiin ayaa xiray nin Kenyan ah oo lagu tuhunsan yahay in uu yahay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sidaana waxa sheegay bilayska Talaadadii.

Booliska Qaranka Philippine (PNP) ayaa ku sheegay warbixinta in Choclo Abdi Abdullah lagu qabtay huteel ku yaal magaalada Iba ee Zambales, waqooyi galbeed Manila, galabnimadii Isniinta.

Sida ku cad warbixinta, Abdullah wuxuu xubin ka ahaa Amiyaadka Al-Shabaab ee ka hawl gala Bariga Afrika tan iyo 2012-kii.

Amarka  lagu baadi goobayo waxaa bixisay maxkamad ku taala keentay oo dalbatay in la xiro Abdullah, warbixinta ayaa sidaas sheegtay, iyada oo ku daray in tuhmanuhu uu ku xadgudbay sharciyada Filibiin ee ku lug leh haysashada hubka iyo rasaasta, iyo walxaha qarxa oo sharci daro ah .

La tuhunsanaha  ayaa lagu soo qabtay bambo 9 mitir ah, qalab qarxa oo la macmalay, bam gacmeed, iyo walxo kale oo loo isticmaalo bamka ka sameysashada Abdullah.

Bilayska ayaa sheegay in Abdullah uu uu doonayey  in Filibiin uu ku barto sida loo duuliyo diyaarad wuxuuna ku socday iskuulo laga barto duulimaadka oo ku yaala magaalada Pasay, waxana uu samaynayey cilmi baaris ku saabsan hanjabaadaha duulimaadka, afduubka diyaaradaha. Abdullah ayaa lagu eedeeyay been abuurka dukumiintiga socdaalka si uu ugu sii gudbo waddanka, booliisku wuxuu ku daray edeymaha loo heysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.