Home Afsomali Dalka Kuwait oo joojineya Dhuxul ka qaadashadii Kismaayo iyo goobo kale sababta...

Dalka Kuwait oo joojineya Dhuxul ka qaadashadii Kismaayo iyo goobo kale sababta sii aqri

Dowladda Kuwait ayaa joojisay ka ganacsiga Dhuxusha Kismkaayo iyo melo kale ee Soomaaliya,waxaana ay ku sababeeysay in lagu maalgaliyo waxaa ay ku sheegtay argagixisada.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka Kuwait ayaa waxaa ay sheegtay in si toos ah iyo si dadban ay kooxaha argagixisada ah dhaqaale uga helaan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wasaaradda War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in ay heshay nuqul ka mid ah go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobey oo lagu joojiyay dhoofsiga iyo ka kaganacsiga Dhuxusha Soomaaliya.

Go’aanka Dowladda Kuwait ayaa waxaa uu qeyb ka yahay olole ay waddo Qaramada Midoobey kaas oo sheegaya in dhuxusha Soomaaliya aan laga ganacsankarin maaddaama ay dhaqaale ka helayaan kooxaha ka dagaallamaya Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Dowladda Kenya ka dalbatay in ay joojiso ku lug lahaanshaha ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya kaddib markii Kenya looga adkaaday qaraar ay ku dooneysay in Al-shabaab lagu geliyo Qodobka 1267 ee Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya mamnuuxday Sanadkii 2012kii xilligaas oo ay Al-shbaaab heysteen Dekadda Kismaayo,markii uu la wareegay maamulka Axmed Madoobe iyo Ciidamada Difaaca Kenya ayey qaramada Midoobey sheegtay in aanay waxba iska beddelin dhaqaalihii Al-shabaab ka helayeen halkaas sidoo kalena Ciidamada Kenya laftooda lacag ka sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.