Home Afsomali Dalka Ugaandha oo ay ka bilaabatay Cunista iyo ka ganacsiga Ayaxa

Dalka Ugaandha oo ay ka bilaabatay Cunista iyo ka ganacsiga Ayaxa

Qaar kamid ah shacabka dalka Uganda ayaa bilaabay in ay cunaan ayax dhibaato badan u geestay beerahooda, waxaana dadkan bilaabeen in ay ayaxa ka dhigtaan raashin kadib markii uu baabi’iyay dalagii beerahooda.

Wakaalada wararka u faafisa dalka Uganda ayaa ku warantay  in dadka degan degmada kutaala waqooyiga dalka Uganda ee Kitgum ay bilaabeen in sidii raashin oo kale u cunaan ayaxa deegaanadooda weerarka kusoo qaaday.

Sida ay ku warantay Wakaalada wararka Uganda shacabka ayaa ayaxa cunistiisa bilaabay kadib markii uu ka baabi’iyay raashinkii beeraha uga soo go’i lahaa, waxaana shacabka lasoo daristay raashin la’aan sababtay in ay ayaxa naftiisa cunaan.

Waxa ay sheegeen dadka cunista ayaxa bilaabay in ay marka hore kar kariyaan ayaxa kadibna qalajiyaan, waxa ayna meesha ka saareen in dhibaato caafimaad daro uu kasoo gaarayo ayaxa oo xiliyada qaar lagu buufiyo sun lagula dagaalamayo.

Dalka Uganda ayaa waxaa dhibaato badan ku haya ayax fara badan oo ku habsaday dhulka beeraha , waxa ayna dowlada Uganda wadaa dadaalo ay kula dagaalameyso ayaxa dhibaatada badan ku haya dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.