Waa subaxnimadii bishii koowaad Sannadkii 2005, Cheryl iyadoo samaysanaysa shaah sida caadiga ayaa albaabka lasoo garaacay, ninkeeda Bobby oo aad u hurda fudud Wuu maqlay garaaca albaabka wuuna soo kacay, markii ay eegtay waaba ciidamo Boliis ah.
Markii hore wax walaac ah iguma jirin sababtoo ah haweenay dariska ila ah ayaa ahayd mid rabsho badan oo 24 saac Boliisku yimaado gurigeeda markaa waxaan is lahaa way kugu soo qaldameen ayay tiri Cheryl oo uga warantay qisadeeda wargeyska Humans Of New York.
Laakiin waxay tiri markii aan albaabka furay 12 sarkaal oo Boliis ah ayaa guriga si xoog ah iigu dhaafay oo gudbay, waxay tiri waxay toos u abbaareen qolka jiifka iyagoo laba dible usoo xiray Bobby laakiin anigu war mahayo oo waaba la yaabanahay ayay tiri sida wax u jiraan.
Intaa kadib waxaan maqlayey su’aalo yaab leh oo ninkayga la waydiinayo, magacaa? Bobby Love, war sheeg magacaaga runta ah isaguna wuxuu si hoose oo daciif ah ugu sheegay magac aanan maqlin markaas, laakiin FBI waxay ku yiraahdeen saaxiib waqti dheer baad is qarisay laakiin maanta waa lagu qabtay.
Markii Bobby la xiray ee laga saarayey guriga ayaan qayliyey ayay tiri oo waydiiyey sida wax u jiraan, kadib ninkeeda ayaa ku yiri, Cheryl waa qiso dhacday intaynaan is guursan sababta la ii xirayaa.
QISADA BOBBY LOVE
Qisada runta ah ee ninka la baxay Bobby Love aan idiinka sheekeeyo, magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Walter Miller lixdameeyadii ayuu ku koray gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, wuxuu ku koray nolol fakhri ah hooyadiis waxay la daalaa dhacaysay daboolidda baahida 8 caruur ah oo uu isagu ku jiro sidaas darteed wuxuu dareemayay in nolosha lagu dayacay.
Habeen habeenada ka mid ah ayuu soo aaday riwaayad uu dhigayey heesaagii waqtigaas ugu caansanaa ee la oran jiray Sam Cooke, kadib dadkii fadhiyey dhexdoodii ayaa buuq iyo dagaal ka bilaabmay isaguna wuxuu ku jiray dadkii la xiray ee lagu eedeeyey dambiga meesha ka dhacay, halkaas ayayna ka bilaabmatay noloshiisii mooryaanimadu.
Rabshadii Sam Cooke riwaayadiisa oo ahayd 1964-kii wixii ka dambeeyey waxaa maalin kasta rikoorka ii galayey dambi kale oo cusub, waxaan bilaabay xatooyo iyo inaan dadka boorsoonyinka ay baabuurta uga dhex tagaan qaato iyo dambiyo fara badan oo kale.
Maalin ayuu iskuulkiisa ka sameeyey xatooyo markaas ayay dawladdu u wareejisay xarun xabsi oo kale ah oo ilmaha noocaas ah lagu hayo. Wuxuu yiri Walter waxaan aad u karaahiyaystay meeshii la igu xiray noloshii ayaan nacay laakiin waxaan dareensanaa in aan sababta anigu lahaa oo rabshoole noqday.
Jirkayga oo dhan wada nabar buu noqday sidii la ii garaacayey oo meesha waxaa ku xirnaa ciyaal midba midka kale kasii xun yahay oo lasoo aruurshay, habeen kasta markaan seexanayo waxaan maqli jiray codka tareen xarunta dhinaceeda mara waxaanna ku fakari jiray inaan maalin uun meeshaan ka baxsado oo u cararo dhanka uu codkaasi iiga iman jiray.
Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee dhacdadan la soco qeybta labaad oo aad u xiiso badan Beri insha allah.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.