Home Afsomali DANI OO QARWAAYA ANOO HARAMCAD WADNAHA IGOOYAY HADAY GORGOR II KEENEEN!

DANI OO QARWAAYA ANOO HARAMCAD WADNAHA IGOOYAY HADAY GORGOR II KEENEEN!

Dhab ahaan Dalkeena Soomaaliya si wayn ayuu usoo kabanayaa,waxaana nasiib daro ah in mudo nus qarni ah aan ka haray asaageen iyo dawladaha dariska inala ah iyo guud ahaan kuwa caalamkaba. dib u dhacaasi maha oo kaliya arinkaas ee waxaan baa bi inay dadkeenii iyo maalkeenii hadaynu nahay soomaali.
Waxaan nafteenii iyo maalkeenii iyo dalkeenii iyo dadkeenii gaar siinay heerka nolasha aadamaha maanta dunida kaga nool yahay heer la arko heerkii u hooseeyay. waxaa burburay dadka inta nool qayimkii aadaminimo,naxariistii, dadnimadii iyo xishoodkii. Dalkeena muddadaas dheer waxaa ka faa iidaystay burburkaa dadka intii u xumayd oo inoo soo hormartay. waxaana ina qabsaday ma nexe iyo tuug,danayste, dagaal ooge,imaan laaawe,kuwaas oo u adeega shisheeye ah dawlado iyo shirkado maafiya ah oo heer caalami ah. Cadawga gudaha ee soomaaliya waa kan mudadaas dheer hortaagnaa in soomaaliya hesho dawlad shaqaysa dalkana lagu soo dabaalo nabad iyo kala danbayntii dawladnimo.
Waxay gobonimadeenii dalkeenii iyo diinteenii ku badasheen lacag doolar ah iyo in ay qabiil ama beeshooda u dawladeeyaan oo ay dadkii soomaaliyeed kala qoqobaan iyagoo iska dhigaaya sidii inay dawlad yihiin rasmi ah!! kala qaybiyaan,iyagoo ku dadaalaaya in aan la helin waligeed dawlad shaqaysa oo soomaaliyeed oo isu keenta shacabka dadka iyo dalka oo midaysa siday shalayba ahayd soomaaliya mid qura.
Waligaa xasuusnoow maankana ku hay aduunyada in ay dalwalba jiraan oo laga helo dad sidaa u xun oo cadaw ku ah dadkooda iyo dalkooda,laakiin wadan walbaa markuu ogaado dadka noocaas ah waa la tirtiraa oo lalaayaa maha xabsi. waxaana loo yaqaan khaa inul wadan ama khiyaamo qaran oo ah qofkoo noqda daba dhilif ama u adeegaaya shisheeyaha.shacabka soomaaliyeed waa inay baraarugaan qabtaan guryahooda uugu dhacaan cadawgaas inoo diidan dawladnimada.
Maanta dalkeena soomaaliya waxaa qadarinaaya,caalamkoo dhan,waxaana la arkay cududeena iyo ciidankeena,waxaa la arkay shacabka soomaaliyeed oo jecel dawladooda isku duuban islana jaan qaaday,suaashaa ayaa hadaba ah waa tee cida ku hor istaagi kartaa? majirto weeye cid inaga hor imankartaa maxaayeelay waa isku duubanahay shacab iyo dawlad dalkeena waa jecelahay kuna kalsoonahay madaxdeena.
Maanta waad aragtaan,in dawladeenu ku guulaysatay in daymankii laynaga cafiyay,oo baanka aduunka ee hormarinta aan si toos ah la macaamiltamayno,waadna aragtaan in baankeena soomaaliya si toos ah laynoogu soo shubay 45 000 000 afartan iyo shan malyuun oo dollar waxa soo socdaase kabadan. waxaan mar dhaw samaysanaynaa lacag shilin soomaali ah. arintaan waxaa magaceeda iyo nacfigeeda iskaleh qofkastoo soomaali ah oo hada nool,waxaana dhaxli doona caruurteena soomaaliyeed mustaqbalka. waxaa hadaba is waydiin leh soomaaliyeey.
Bal walaalayaal ka warama maanta ciidankaynu dhisanay,daymanka laynaga cafiyay,shilin soomaaligeenii oo dib loo soo celinaayo,hanaankan dawladnimo iyo horumarkaan,nimanka ka qaracan san ee ka xun arintaan ee caloosha ka oo yaaya bal hada nimankaa warkooda isiiya? Ninka hogaamiya shabakada maafiyada caalamiga ah waa xasan sheekh, sheekh shariif,dani,axmed madoobe oo ah niman leh midabkeena,oo ku hadlaaya afkeena,oo diinteena haysta,oo soomaali inala ah,ayaa hadana ka naxsan oo hortaagan dawladnimadeena iyo qarnimadeena soomaaliyeed!! waxay u hiilinaayaan kaaga daranee cidkastoo cadaw u ah dalkeena tusaale ahaan KENYA ayay taageereen in ay xuduudeena kusoo xad gudubtay dadkay xasuuqday ee soomaaliyeedna ay ku sheegeen kuwo khaldan! waxay sitoosa ula shaqeeyaan dawlada E-MARAADKA oo maal galisa iyaga si aan dawlad shaqaysa uga dhalan dalkeena soomaaliya yaabka la arkay.
Nimankan noocaan ah ayaa isku sheega mucaarad!! hade mucaarad waa wax la garanaayo laakiin arinkoodu maha mucaarad ee waa daba dhilifnimo iyo khiyaamo qaran. danta dadka iyo dalka soomaaliyeed ayay u yihiin cadaw nooca uugu xun waliba. maha wuxu mucaarad iyo wax u dhaw toona.
Dani oo ciidankeenii qaranka ka dhigay,sidii inay yihiin dawlado shisheeye oo dalka ku soo duulay,ayaa yiri waxay qabsadeen gobolka gedo,waxay qabsadeen galmudug! bal hada u fiirso waxay qabsadeen!!? dalka yaa leh ay qabsadeen? iyaguse yay yihiin? macnaha waxa uu inkirsan yahay in ay jirto dawlad soomaaliyeed waxa uu fulinayaa wax loo soo dhibay oo shisheeye uu u adeegaa dalbadeen. haday wadaniyad jirto oo shacabku dad yahay waxay ahayd in gurigiisa loogu dhaco.
Hadaba waxa uu kanaxay qumaygaasi,tayada iyo xooga ciidanka qaranka soomaaliyeed oo ah wiilal soomaaliyeed oo ka kooban guud ahaan beelaha soomaaliyeed, waxaase hada isaga kusoo kordhay culays kii ka wayn,oo ah haramcad ayaa i cunaaya ayuu lahaa balse hada waxaaba yamid wax kadaran oo GORGOR ayaaba dul heeheebaya! nafeey lagu waa ma dhulkuu iska ilaaliyaa oo HARAMCAD usoo galaayo? mise cirkuu iska ee gaayoo GORGOR in uu madaxa jabiyo iska eegaa!!?
Dani cir iyo dhulba looga yamid,meel uu ubaxsan karaana majirto oo aan ahayn in uu garto shaqadiisa dhabta ah kabaxo wuuu ku jiro kana hor dhaqaaqo dawladnimada soomaaliyeed ee uu ku noqday caqabad. mana aha in xiligaan uu soo hambaabiro ama uu soo salallo sidii nin saar qaba! oo uu yiraahdo beelaha soomaaliyeed ee dagan Puntland ayaan shirinayaa iyagoo shacabkaasi og yihiin in hada laga baxay qaabkii qabiilka iyo dawlad la aanta oo uu dalku hada leeyahay dalad dhexe oo fadaraal ah oo hana qaaday taasoo soomaali ku midaysantahay. shacab bislaaday ayuu isleeyahay beel uugu yeero oo ku awrkacso waa goorma? horta anigu maba qabo in naf saas ah loogu tagi Dani oo hade nin HARMCAD IYO GORGOR CAYRSANAYAAN OO HURDO BEEL LA SOO DARSAY MUXUU KU NOOL YAHAY ADINKAAN IDIN WAYDIINE? isagu waa ninkii hadal u adkaysan waayee baarlamaanka ka cararay markii xildhibaan suaal waydiiyay xaq loogu lahaa in uu aayar ka jawaabo golahana ixtiraamo. hadee waaba la ogaa fadaladiisii wixii halkaa ka dhacay! Adeer ninkii soomaali maanta hor istaaga danbay haramcad iyo gorgor u cayarsan oo u canayaan.filimaayo in gorgor iyo haramcad naf uugu tagayaanba. waxaase hoogay nin hagraday dhulkiisa taariikh ayaana qormaysa.
 Dani wuxuu halis usaaran yahay una dhawyahay haduusan is daba qaban maryo tuurashadii LABADII NIN EE BUKAY xasan iyo shariif oo iyagu maryaha tuurtay sadexsano ku dhawaadna hor kuududa uun albaabka madaxtooyada looga taliyo dalka soomaaliya,iyagoo quudaraynaaya damac ba,anina uuga jiro balhada in ay dib u helaan kursi soomaray waa kamid ah waayaha aduun.kuwaas oo waayay gacalo ka kaxaysa albaabka hortiisa ay xooran yihiin sidii ari carbeedkii xamar! hade ari carbeedku dhal magaalo ayuu ahaa haduu darbiyada xooran yahayna dadku dhib uuma arkayn waayo hade waa ari carbeed. waxaa xusid mudan in wax laga barto madaxweynayaal hore sida madaxweyne cabdiqaasim salaad xasan oo siyaasada ka fariistay markuu kursigii ka dagay aayarna asluubaystay, haduu hadlana ufaa iideeya khibradiisa isagoo fara in dawladnimada la taageero dalkana la ilaaliyo cid yeesha iyo cid diidaba tanaa ah ku dayasho fiican cidii wax kasaysa.
madaxweyne cabdi qaasim salaad xukunkiisii ama hakula fiicnaado ama hakula xumaado lagama hadlaayo taas waxaa laga hadlayaa waxaynu isku wada raacsanahay oo ah in madaxweyene cabdiqaasim u hanbalyeeyay madaxweynihii uu la tartamey ee ka guulaystay kadibna sida caadada dawladnimaduba tahay uu fursad siiyay walaalkii dalka uugu shaqeeyo mana lagu arag albaabka madaxtooyada dib danbe sidaa adeeraday oo kale. nin walba xaqiisa in aan siinaa waa waajib.
CIIDANKA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED DAWLADNIMO AYAY RABAAN MANA AQBALAYAAN BEELO KALA JOOGA OO ISKA DHIGAAYA SIDII IN AY YIHIIN DAWLAD OO KALE KUWAAS OO KUTIIRSAN SHISHEEYE DIIDAN DAWLADNIMO SOOMAALIYEED.
WAXAAN KU GUNAANADAYAA HADAL LAABTAYDA KA SOO GO AY OO AAN KU FADHIISIIYAY  MACNO WEEYN IYO XIGMAD
WAXAAN LEEYAHAY QABO CADAWGA GUDAHA WAXAAD KA ADKAATAY CADAWGA DIBADA.
Yusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.