Home Afsomali Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian oo Somalida ugu Baaqay...

Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian oo Somalida ugu Baaqay in aysan ka weliwelin ……

Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed.

Qin Jian ayaa uga baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan ka wel-welin xaalada carruurtooda, waxana uu xusay in ay siiyaann wacyi-gelin, agab,  iyo daryeel joogta oo ay la mid yihiin muwadiniintooda oo kale.

“Dawladda Shiinaha mas’uuliyad weyn bay iska saartay bed-qabka, caafimaadka dadka ajnabiga ah ee ku nool Dalka Shiinaha oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed, Wax dhib ah ma qabaan, waxan siinay wacyi-gelin ku saabsan cudurka Corona-virus, iyo qalabka looga hortaga, Waalidiinta waa in aysan ka wel-welin”, Safirka Shiinaha, Qin Jian ayaa ka sheegay shir jara’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro hoos u dhac ku yimid dadka hor leh ee uu cudurka haleeli jiray marka loo eego, dalalka kale ee hadda uu ka jiro cudurkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.