Home Afsomali Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub oo looga yeeray Villa Somalia

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub oo looga yeeray Villa Somalia

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Yoonis Yaasiin Xaashi ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda gaaro magaalada Muqdisho kaddib markii ay sidaa dalbatay Villa Somalia.

Socdaalka Danjire Yoonis waxaa ka soo baxaya warar kala duwan; iyadoo wararka qaar sheegayaan in  safiirka la beddeli doono, kaddib markii Villa Somalia ay soo gaartay cabashooyin isdaba joog ah, kuna saabsan ku-takri-fal Maamulkii safaaradda, ceyrin howl-wadeeno muhiim ah, musuq & arrimo kale.

Danjire Yoonis oo xilka safaaradda hayay muddo ku dhow sannad ayaa dayactir & dib u habeyn ku sameeyay qeybo ka mid ah dhismaha safaarada.

Qaar ka mid ah dadka safaarada u soo doonta dokumintiyada ayaa ka cabanaya in marka loo eego qiimihii laga qaadi jiray dukumintiyada in Yoonis uu labo jibaaray.

Mid ka mid ah shaqsiyaadka ku dhowdhow safiirka, oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa saxaafadda u soo dusiyay inay hubaal tahay ceyrinta safiirka, wuxuuse sheegay in Brussels ay u baahan tahay khabiir siyaasadeed.

“Dowladda Xassan Sheekh, weli safiir ma beddelin, mana magacaabin. Danjire Yoonis dacwooyin badan ayaa laga gudbiyay; Brussels waxey ka macno badan tahay Washington, waa xaruntii waddamada Yurub, mas’uulka Soomaaliya u metelaya waa inuu ahaadaa qof siyaasada muddo ku soo jiray, bisil, aqoonyahan ah. Danjire Yoonis wuxuu ka mid ahaa guul-wadayaashii Farmaajo. Brussels-na ma ahan meel guul-wade u baahan, waa meel u baahan qof siyaasada ku cireystay, oo Soomaaliya adduunka ka gadi kara, waxaan maqlayaa waxaa lagu beddelayaa Ina Faroole laakiin haddii la is barbar dhigo Ina Faroole & Yoonis waxaa roon Yoonis” ayuu yiri mid ka mid ah shaqsiyaadka ku dhow dhow Yoonis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.