Home Afsomali Daruufaha nololeyd oo adag aawadood dadka soonaalidu waxay u soo joogeen maalmo...

Daruufaha nololeyd oo adag aawadood dadka soonaalidu waxay u soo joogeen maalmo aan la hilmaami karin

Duruufaha nololeed oo adag aawadood dadka somalidu waxa ay u soo joogeen maalmo iyo dharaaro aan xusuustooda la hilmaami karin, Waagii beryaaba waayahiisa leh. Waxa aan jecelahay in aan idinla wadaago Abaaro kala duwanaa oo kala magacyo duwanaa kuwaasi oo ku dhacay dadka somalida iyo deegaanadoodii. Ugu yaraan Sagaalkan Abarood oo kala ah abaartii xaaraama cune oo dhacday sanadkii 1914 , hawaara sanadkii 1923, adhi-gaba sanadkii 1934” jiitama 1945” siiga-case 1954” gaadhi-gaadhisaar 1964” daba-dheer 1974 ;; dhuumato 1980” dhibijaale” iyo abaartii ugu weynayd wixii la sheegaba oo ahayd soor iyo biyowaa” oo dhacday sanadkii 1994. intuba waxa ay ahaayeen abaaro ay somalidii waagaasi ula baxday magacyadan iyada oo loo daliishanaayey xaalado taagnaa xiliyadaas.

Dhamaadkii sanadkii 2016 Somaliland waxa ka dhacay xaalado kala duwan oo Saamayn tooda iyo mahadhadooda lahaa. Xaaladahaas waxa ay isugu jireen kuwo diiftoodii muuqato iyo xaalado siyaasadeed oo cakiranaa. Waxa aynu si cad uga tilmaami karnaa xaalada abaareed ee Wakhtigan maraysa halkii ugu darnayd oo galaafatay naffo ibnu aadam ah iyo xoolihii la dhaqan jiray oo aan xisaab iyo cadad-toona lahayn.

Duruufta baahsan ee wakhtigan ka taagan guud ahaan deegaano tirro badan oo ka tirsan Dalka hawgu darnadaan deegaanada Gobolada bariga Somaliland waa tii ugu cuslayd ee soo marta 25-sanno oo ay Somaliland baarka ka goysay, Xaaladan oo ah mid u baahan ALLAH ka cabsi iyo gar-gaar ibnu aadantinimo oo aanay muuqan cidii hormuudka inoogu noqon lahayd.!

Abaarta iyo dhibta baahsan ee umadda haysata waxa daba socda dekaano siyaasadeed oo ka dhaxeeya asxaabta siyaasadda somaliland kuwaasi oo gaadhay heerkii ugu sareeyey abid iyaga oo aan joogin wakhtigoodii.

Duruufaha nololeed ee ku gedaaman dadka abaartan ku dhufatay oo ku kala daadsan gobolada Somaliland hawgu shisheeyo qoyska hawd guntii iyo sanaag ka qaxay oo ku sugan galbeed guntii si uu u doonto daaq iyo baad ay ugu nolaadaan xoolaha ah nolosha koowaad ee dadka somalida ahi ka dheefaan dhaqaalaha iyo munafaad kale oo tiro badan.

Wakhti xaadirkan oo aynu ku jirno sanad cusub oo ah 2017 waxa umadda xaalada sidaasi haysato dhegahooda ku dhacaaya guuxyo ay sheegayaan in dalku doorasho isu diyaarinaayo. Yaa codeyn doona !? Yaase uu u talin doonaa musharaxa guuleystaa !? Waa su’aalo muhiima una baahan jawaab in ay u helaan Xisbiyadda guc-lo orodka ugu jira Doorasho dhacda.

Waad ku mahadsan tihiin Akhrisiina Maqaalkan intiina fursad u heshay, Waxa aan ku soo gaabinayaa ALLAH Weyn intik aamintaa Awood leh, aynu ALLAH barino, u noqono, u toobad keeno si uu kurbada inooga qaado iyo xaalada culus, siyaasiyiintana waxa aan leeyahay waar umadiina u naxa oo joojiya hirdanka siyaasadeed ee aan joogin wakhtigisii.

  • Qorre Khaalid Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.