Home Afsomali Dastuurkii dalka ee Xoosh loo daayay ,maxey tahay danta laga leeyahay?

Dastuurkii dalka ee Xoosh loo daayay ,maxey tahay danta laga leeyahay?

Soomaaliya waxy ay soo martay colaad sokeeye oo waqti dheer .Kadib dowlado KMG ah oo ay Soomaaliya ay soo yeelatay waxa sanadkii 2012-kii markii ugu horeysay tan iyo burburkii ay Soomaaliya yeelatay dowlad aan aheyn ku meel gaar,walow aanu weli shacabku toos u soo dooran hogaamiyayaasha dalka.
Dastuurka dalka weli waa KMG . Waxa qorshuhu uu ahaa in dib u eegis sax ah lagu sameeyo kadibna la galiyo afti dadweyne si uu qeyb uga noqdo xal u helida mushkiladda dalkeenna .

Dastuurkii la filyay inuu waddo sax ah maro oo wadatashi dadweyne la galiyo ayaa noqday mid laga dhigtay mashruuc lacago lagaga raadsado hey’ado shisheeye sida ayay marar badan ka dhawaajiyeen siyaasiyiin mug iyo magacba ku leh shacabka Soomaaliyeed .

Qiso aan goob joog u ahaa!

Magaalada Jowhar ayaa horraantii sagaashanaadka xilligii soo bixitaankii ururkii Al-Itixaad waxa la isku qabsaday ,berri waa ciid oo bisha Soonfur waa la arkay iyo ciid maaha.
Wadaad caan ka ahaa Jowhar kana mid ahaa culumada waaweyn ee Sh/dhexe Allaha u naxariistee Shiikh Ibraahim Saneey ayaa dhalinyaradii ku doodeysay in ay ciid tahay waxa uu ka codsaday in ay u keenaan qofkii bisha Soonfur arkay.
Waxa la keenay nin aan jaceleyn inaan halkan magaciisa ku xuso oo ka yimid tuulada Moyko oo aan ka fogeyn Jowhar .
Ninku showba waa dadka muqaadaraadka aad u isticmaala oo korkiisa xashiishku iyo calaqa ka soo kamkamayo.
Shiikh Ibraahim baa weydiiyay ninkii oo ku yiri maxaad aragtay ?
Ninkii la keenay inta gacantiisa (Cankada) u soo qaloociyay sidii bil oo kale ayuu ku yiri “Shiikh been makuu sheegayay iidoo saas ah ayaan arkay,oo uu ila jeedo Bisha.
Shiikh Ibraahim inta uu fiiriyay ayuu yiri bisha Soonfur ee ninkan kaliya uu arkay dan waaba laga leeyahay laakiin ma garan karo danta laga leeyahay.
Hadda Ilaah baan idiinku dhaarshee Dastuurka dalka ee Xoosh Jibriil loo daayay ,yaa garan kara danta laga leeyahay ? Sow maaha Masiirkii umadda oo la dayacayo si ogaal ah.

Qeybaha jilicsan ee bulshada oo si gaar ah loo soo xushay inta la isu keeno oo lagu aqriyo qodobo aaney fahamsaneyn iyo isbarbardhig Dastuuro shisheeye miyaa xal lagu gaaraa?
Mise dad u badan drop out-kii dibadaha ku fashilmay oo loo yeerto laguna casuumo hoteelo qaali ah ayaa dalka xal u keeni kara.
Waa Dastuur laga ilaalinayo dadkii aqoonta lahaa ,culumadii ,haweenka wanaagsan ee dalka u soo shaqeeyay iyo waxgaradka oo dhan.

Umaddan Ilaah baa u maqan ,shirqool kasta oo loo maleego idinka Allah, fashil buu ku dhamaan doonaa .
Waxase aan maanta sheegayo , waan hubaa in maalin uu la wada qiri doono sidaa awgeed si ay diiwaanka u gasho fadlan share-garee.

Mohamed Ibrahim Nur Moalimuu

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.